Codsiga Kaalmada HomeHelpMN

HomeHelpMN waa barnaamij ay bixiso Minnesota Housing si ay ugu caawiso dadka ka dib dhacay rahmaadda ama amaahda guriga ama macluumaadyo kale oo ah kharashaadka guryaha oo uu sababay COVID-19. Haddii ay noqoto bixinta kaalmo dhaqaale ama in lagugu hago meelo la aamini karo, waxa aan rabno waa in aad hesho caawimaadda aad u baahan tahay, wakhtiga aad ugu baahi badan tahay.

Ha lagaa caawiyo bixinta rahmaadda lagugu leeyahay

Haddii aad ka dibdhacdo bixinta rahmaadda ama lacagta amaahda gurigaaga, waxaad xaq u yeelan kartaa kaalmo dhaqaale oo aad isaga bixiso rahmaadda lagugu leeyahay.

Ha lagaa caawiyo kharashaadka kale ee lagugu leeyahay

Waxa laga yaabaa in ay kugu adag tahay in aad bixiso kharashaadka kale ee guryaha sida cashuurta guryaha, ceymiska, lacagaha ururka guryaha ama kirada dhul bannaan. Waxaan kaa caawin karnaa kharashka noocaas ah.

Hel tasiilaad aad uga fogaato in guriga lagaala wareego

Si aad u hesho tasiilaadka kale ee la hayo, kala hadal la-taliyaha rahmaadda. Booqo bogga Macluumaadyada si aad faahfaahin u hesho.

Soo Codso Maanta

Arjiyada waxaa la howlgelinayaa hadba marka la soo gudbiyo. Milkiilayaasha guryaha waxaa lagu dhiirigelinayaa inay durba soo gudbiyaan arjiyadooda. Haddii arjiyada la helo muddada arjyadu furanyihiin ay ka badanyihiin maalgelinta/lacagta la hayo, codsadayaasha waxaa laga yaabaa in la geliyo liiska sugitaanka. Arjiga oo la soo gudbiyay ma dammaanad qaadayso in la heli karo maalgelinta. Booqo shaashadabarnaamijka si aad u aragto lacagaha la heli karo.

Ka bilow in aad la soo degto waxyaabaha Diyaargarowga Codsadaha

TALLAABADA 3aad

Waxaa lala xiriirayaa meelaha lacagta kugu leh

TALLAABADA 4aad

Codsiga ayaa laga shaqeynayaa

TALLAABADA 5aad

Lacagta ayaa la siinayaa meelaha lacagta kugu leh

Si aad xaq ugu yeelato kaalmada HomeHelpMN

  • Waa in aad leedahay guri ku yaalla Minnesota oo aad ku dhex nooshahay
  • Waa in uu dakhligaagu yahay mid ka hooseeya xadka dakhliga halkan ku qoran
  • Waa in ay ku soo martay dhibaato dhaqaale intii ka dambeysay 21kii Jannaayo, 2020
  • Waa in lagugu leeyahay kharashaad hore ah oo ah mid ama wax ka badan kharashka uu barnaamijkan bixinayo
  • Baaqiga kaaga harsan deynta asalka ahayd waa in aysan dhaafin xadka amaahda ee degmadaada ee wakhtiga deyntaadu ay soo bilaabatay

Booqo bogga su’aalaha iyo jawaabaha si aad ugu hesho faahfaahinta dheeraadka ah ee xaqa loogu yeesho.

MILKIILEYAASHA WAXAY XAQ U YEELAN KARAAN ILAA $50,000

  • Kaalmada waa in loo isticmaalo kharashkii hore keliya
  • Lacagta waxaa si toos ah loo siin doonaa meelaha kugu leh, shirkadda rahmaadda ama maamulka deegaanka
  • Kaalmadan ma ah mid la iska rabo in la soo celiyo
  • Waxaa loo isticmaali karaa: bixinta amaahda, heshiiska sabarloogada, amaahda guryaha la soo warshadeeyey, cashuurta guryaha, ceymiska guriga, milkiileyaasha ama khidmadaha ururka guriga, kirada dhulka guryaha la soo warshadeeyey
  • Kharashka korontada iyo biyaha barnaamijkan ma bixiyo—kaalmada lacagta kuleyliyaha, korontada iyo biyaha waxaa laga codsan karaa Barnaamijka Caawinta Korontada ama in la garaaco 800-657-3710 (taabo 1)