Macluumaadyo

1. Diyaargarowga codsiga HomeHelpMN

2. La xiriir adeegyada xafiiska shirkadda rahmaadda si aad ugala hadasho wixii jira.

Haddii aad hadda ku jirto xaalad lagu sugayo, ama aad ka baxaysa sugidda, ama lagugu leeyahay lacagbixin ah hal bil ama ka badan, ama aad ka baqeyso in aad lacag la daahdo, waa tallaabada ugu horreysa ee xalka u ah dhibkaaga.

Shaqaalaha xafiiska rahmaadda ayaa laga yaabaa in ay kaa caawiyaan, ama waxaad u xaq u yeelan kartaa kaalmo kale oo ah mid ka baxsan HomeHelpMN. Booqo Xafiiska Difaacidda Dhaqaalaha Macaamiilsha si aad faahfaahin u hesho.

3. Balan ka sameyso la-taliye aqoonsi ka haysta hud/tala-bixiyaha lahaanshaha guriga.

Ururka la-taliyeyaasha Minnesota waxay kugu caawin karaan in aad fahamto codsiga, in aad la xiriirto amaah-bixiyaha, oo waxa ay kugu sii xiri karaan barnaamijyo iyo meelo kale oo aad caawimaad ka heli karto. Booqo Xarunta Milkiileyaasha Guryaha ee Minnesota oo waxaad ka heleysaa la-taliye. Adeegyadaas waa bilaash ah oo waxay dhowraan xogta dadka. La-taliyeyaal badan ayaa laga qabsan karaa ballamo fogaan-arag ah.

4. Codsiga caawimaadda korontada.

Homeowners may qualify for help with past-due heat, power and water bills as well as future energy costs. Booqo Waaxda Ganacsiga ee Minnesota ama soo garaac 800.657.3710 si aad u ogaato in aad xaq u yeelan karto oo ka codso.

5. Iska ilaali khiyaamada qalin-shubatada.

Waxaa jira dad wax khiyaama oo aad u soo batay, oo waxay iska dhigaan in ay dadka u hayaan caawimaad ah in aan guriga lagala wareegi karin ama lacago dawladeed. Waligaa qofna ha u sheegin macluumaadkaaga shakhsiga ah ama dhaqaalahaaga ama lambarrada sirta kuu ah ee taleefankaaga, oo qofna lacag ha ku siin in uu kaa caawiyo si aan guriga lagaala wareegin. Waxaad faahfaahin ka heleysaa Joojinta Qalinshubatada Arrimaha Guryaha ama Stop Home Scams.

6. Raadso macluumaadyo kale

HeliddaMeelaha kale ee taageerada milkiileyaasha guryaha, oo ay ku jiraan barnaamij kale oo ah kaalmeynta guryaha, maalgelinta dayactirka guriga, kaalmada canshuurta, kaalmada cuntada, barnaamijyada taageerada degdegga ah, iyo kuwa kale oo badan.