Ogeysiiska Xuquuqda Shakhsiga
Maamulka: Hay’adda Dhaqaalaha Guriyeynta Minnesota (MHFA) waxaa loo oggol yahay in ay uruursadaan xogta shakhsiga ah, sida sagaalka lambar ee qof kasta haddii ay dadku rabaan in ay igu sheegaan, oo waa sida ku qoran Sharciga Guryeynta Mareykanka ee 1937 (42 USC 1437 iwm. qeyba.), Xuquuqda Madaniga ah ee Title VI ee 1964 (42 USC 2000d), Sharciga Sinnaanta Guriyeynta (42 USC 3601-19), Sharciga Isticmaalidda Xogta Shakhsi Ahaaneed ee Gobolka Minnesota (Minn. Stat. Ch. 13) (oo loo soo gaabiyo “MGDPA”), iyo Minn. Stat. 462A.05.
Ujeeddo: Xogtaada shakhsiyeed, sida ku qeexan MGDPA, sababta ay MHFA iyo xafiisyada la shaqeeya u heli karaan waa in ay ku soo go’aamiyaan xaqu-yeelashada la xiriirta dhaqaalaha iyo COVID-19 ee Barnaamijka Sanduuqa Kaalmada Milkiileyaasha (HomeHelpMN).
Isticmaalidda Kale: MHFA iyo qandaraasle(yaasha) la shaqeeya ayaa sidoo kale xogtaada u isticmaala si ay si fiican ugu maareeyaan oo ay ugu qiimeeyaan waxtarka barnaamijka, si ay ugu hoggaansamaan shuruudaha xiriirkooda Waaxda Maaliyadda Mareykanka, iyo in ay si hufan ugu maamulaan mustaqbalka barnaamijyada kaalmada guriyeynta ee la xiriira COVID waxyaabaha ay sida gaarka ah u soo oggolaadeen waaxda sharci-dejinta ama ay u xilsaarto dowladda federaalka. Xogtaada shakhsiga ah waxaa loo sii gudbin karaa dawladda dhexe, gobolka, iyo hay’adaha deegaanka, markii ay u baahdaan, iyo danbibaareyaasha iyo xeer-ilaaliyeyaasha u soo codsada danbiyo ah madani ama kuwa la isku ciqaabo. Hase ahaatee, xogtaada shakhsiga ah si kale looguma sii gudbin karo ama meelo ka baxsan MHFA, ama wakiillo u shaqeeya, qandaraasleyaal, ama dad hawlo loo xilsaaray, marka laga reebo in uu sharcigu oggol yahay ama ku soo amro.
Ganaaxid: Waa in lagaa helo dhammaan xogta shakhsiga ah ee loogu baahan yahay si codsigaaga looga soo shaqeeyo, waxaad bixin kartaa xog kasta oo gaar ah oo aan khasab kugu ahayn si codsigaaga looga soo shaqeeyo. Qofkii keeni waaya mid ka mid ah xogta looga baahan yahay waxaa codsigiisa ku dhici kara dibudhac ama in loo soo diido in uu xaq u yeesho kaalmada.
Macluumaadka dadka ee sida tooska ah loo keydiyo
Hawlaha maamulka awgood, macluumaadka waxa loo ururinayo waa eegis iyo ujeeddooyin la xiriira tirakoob. Macluumaadka looma gudbin ama looma isticmaali doono qaab kasta oo kale oo muujin kara macluumaadka shakhsi ahaaneed ee dadka lagu aqoonsan karo, looma sii gudbin doono meelo xafiiska ka baxsan haddii aysan jirin sabab sharci ah oo loogu baahan yahay oo ah wax la xiriira danbibaaris ka socota booliiska ama dacwado kale oo sharci ah.
Waxaan isticmaalnaa Google Analytics si aan ula socon karno sida loo soo booqdo barteenna intarnetka. Google Analytics waa wax aad iska xiri karto oo qof kasta ayaa iska joojin kara oo qofkii iska joojiya mar kasta waa uu heli karaa macluumaadka bilaashka ah ee barteenna oo dhan. Macluumaadka Google Analytics iyo sida la isaga joojiyo waxaa laga heli karaa barta Google Analytics..
Ogeysiiska Khiyaamo-sameynta
Sii-gudbinta Macluumaadka
Waxaa laga yaabaa in aan macluumaadka dadka la sii wadaagno hay’ado dowladeed ama shirkado naga caawiya in laga hortago ama baarista dadka khiyaamada sameeya. Waxa laga yaabaa in aan arrinaas samayno: (1) marka uu sharcigu noo oggol yahay ama uu sharcigu nagu amro; ama, (2) marka aan isku dayeyno in aan ka hortagno ama iska difaacno khiyaamo dhab ah oo jirta ama dhici karta ama waxyaabo aan la oggoleyn; ama, (3) danbibaaris la xiriirta khiyaamo horay u dhacday. Macluumaadka dadka ma jiraan xafiisyo ama shirkado u isticmaali kara suuqgeynta badeecadaha.
Si aad u soo sheegto wax khiyaamo ah, booqo Report Wrongdoing or Concerns.