Su'aalo?
HomeHelpMN wixii hadda ka dambeeya ma ay aqbalayso codsiyo.
Haddii hawsha codsigaagu ay iminku socoto aadna u baahan tahay inaad la hadasho cid, wac 1-800-388-3226. Fadlan diyaarso aqoonsiga (ID) codsigaaga.
Xarunta Wicitaanku waxay furan tahay Isniin ilaa Jimcaha, duhurkii – 4:30 galabnimo CST.
liiska sugitaanka
Waa maxay sababta loo joojinayo HomeHelpHelpMN?
HomeHelpMN waa barnaamij si meelgaar ah loogu talagalay xaaladaha degdegga ah oo waa maalgelin federaal oo lagu taageerayo milkiileyaasha guryah ee dhibaatada kala kulmay COVID-19. Barnaamijku waxa uu bilowday bishii Meey 2022 oo waa in sida ugu dhakhso badan dadka loogu maalgeliyo.
Maxaa dhacaya haddii codsigeyga laga shaqeynayo marka la bilaabo liiska sugitaanka?
Haddii uu codsigaagu soo gaaro liiska sugitaanka intaan la furin ka hor, waxaa laga shaqeynayaa marka maalgelin loo hayo.
Sidee baan ku ogaanayaa haddii codsigaygu ku jiro liiska sugitaanka?
Markaad soo gudbiso codsiga, waxaa laguu soo diri doonaa xaqiijin ah in la helay cosdigaagii iyo inaad ku jirto liiska sugitaanka. Markaad intarnetka ka fiiriso codsigaaga, waxaad arkeysaa inuu codsigaagu ku jiro liiska “Sugitaanka.”
Ma la maalgelin doonaa codsiyada ku jira liiska sugitaanka?
Codsiyada liiska sugitaanka waxaa la eegayaa marka maalgelin loo hayo. Codsigaaga marka laga shaqeeyo waa laguu soo sheegi doonaa oo xaalka codsigaagu wuxuu noqon doonaa “Mid Laga Shaqeynayo”.
Sidee baan ku ogaanayaa haddii maalgelin loo hayo codsigayga?
Haddii codsigaaga go’aan laga gaaro, waa lagu soo ogeysiin doonaa. Wakhtigan xaadirka ah, waxaan dadka laga rabaa macluumaad dheeraad ah iyo caddeymo kale haddii looga baahdo.
Codsiga marka la soo gudbiyo ma aha dammaanadqaad lagu helayo kaalmada. Kaalmada dhabta ah ee aad xaqa u yeelan karto waxay ku xiran tahay dhaqaalaha la hayo marka codsiga laga shaqeeyo.
Maxaan sameynayaa haddii aan caawimaad u baahdo?
Waxaad xaq u yeelan kartaa caawimaad kale. Booqo bogga intarnetka ee Taageerada Maalgelinta Guriyeyta Minnesota.
Kaalmada la heli karo
Sidee bay HomeHelpMN ii caawin kartaa?
Haddii aad leedahay gurii aad ku nooshahay, oo aad la kulantay dhibaato dhaqaale oo uu sabab u yahay xanuunkii faafayey ee COVID-19, oo lagugu leedahay kharashaad hore, waxa laga yaabaa in aad xaq u yeelato kaalmo dhaqaale si aad uga qaanbaaxdo lacagaha lagugu leeyahay.
Waa maxay kaalmada nooca la heli karo?
HomeHelpMN waxay milkiileyaasha guryaha u haysaa adeegyada soo socda:
- Kaalmo dhaqaale oo aad isaga bixiso rahmaadda lacago hore iyo kharashaadka guriga ee aad xaq u yeelan karto
- Macluumaadyo ah helitaanka adeegyo lagu qiimeyn doono wixii xal ah oo looga baaqan karo in guriga lala wareego:
- Adeegyo sharciyeed oo lagu helayo Tala-bixin ay Guriyeynta HUD Aqoonsan Tahay
- Adeegyada sharciga
Waa maxay kharashkii hore ee xaqa loo yeelanayo in la bixiyo?
Kaalmada dhaqaalaha waxaa loo isticmaali karaa kharashkii hore ee guryha ee xaqa loogu yeelan karo, sida:
- Rahmaadda iyo/ama lacagta sabrloogada Milkiyadda Guriga
- Canshuurta Guryaha
- Bixinta lacagaha ururka mulkiileyaasha guryaha, iyo lacagaha Iskaashatada ama kharashka guud
- Bixinta rahmaadda guri la soo warshadeeyay iyo mid la jiito iyo/ama kirada dhulka bannaan
- Kirada/Ijaarka Dhulka iyo Lacagaha Kireysashada Dhulka ee Qabiilka
- Ceymiska milkiilaha guriga oo ay ku jiraan khatarta, daadadka, dabeylaha iyo/ama bixinta ceymiska rahmaadda
Miyey xadeysan tahay caddadka kaalmada dhaqaale ee ay milkiileyaasha guryaha heli karaan?
Caddadka ugu badan ee kaalmada dhaqaale ee ay bixiso HomeHelpMN waa $50,000 halkii qoys.
Ma soo codsan karaa kaalmo dhaqaale si aan isaga bixiyo kharashaad soo socda?
Maya. Kaalmada dhaqaale waxa keliya ee loo isticmaali karo waa in lagu bixiyo rahmaadda ama amaahda guriga ee wakhtigeedii la soo dhaafay iyo kharashka la xiriira guryaha ee xaqa loogu yeesha.
Ma la iga rabaa in aan soo bixiyo kaalmada dhaqaale?
Maya. Kaalmada dhaqaale ma aha mid ay dadku soo celinayaan.
Kaalmada dhaqaale ma waxaa la siinayaa milkiilaha guriga?
Maya. Kaalmada dhaqaale waxaa si toos ah loo siinayaa sabarloogada iyo/ama in la siiyo meelo lacag kaa sugayo. Shirkadaha lacagta kugu leh waa in ay aqbalaan lacagta.
Miyaa la cashuurayaa kaalmada dhaqaale?
HomeHelpMN kaalmada dhaqaale ee ay bixiso waxa ay IRS (sida waafaqsan 26 USC § 139) u tixgelineysaa lacagaha gargaarka masiibada, oo waa wax laga saarayo dakhliga guud ee milkiileyaasha guriga. Hase ahaatee, lacagtan oo kale waxay yeelan kartaa hab kale oo loo canshuurayo. Fadlan talo u raadso xirfadle canshuurta xareeya oo akhriso IRS Rev. Pro. 2021-47. 2021-47.
Miyaa kaalmada kharashka korontada laga heli karaa HomeHelpMN?
Maya, HomeHelpMN ma bixiso kharashka korontada. Hase ahaatee, waxaa laga yaabaa in aad u xaq u yeelato Barnaamijka Caawimaadda Korontada. Booqo Waaxda Ganacsiga ee Minnesota ama soo garaac 1-800-657-3710 si aad faahfaahin uga hesho kaalmada korontada iyo si aad u codsato.
Haddii aan horey u helay kaalmada HomeHelpMN, mar kale ma codsan karaa?
Haa, waxaad soo gudbin kartaa arji kale haddii aad horey u heshay caawimada HomeHelpMN oo aad la kulantay dhibaato dhaqaale oo kale oo COVID-19 la xiriirta. Wadarta kaalmada ee dhammaan codsiyadu kama badnaan karto $50,000.
Xaqu-yeelashada barnaamijka
Yaa xaq u leh?
Si aad xaq ugu yeelato kaalmada dhaqaale, waa in aad:
- Leedahay oo aad ku dhex nooshahay guri kuugu yaalla Minnesota.
- Waa in uu dakhligaagu la mid yahay ama ka yar yahay 100% celceliska dakhliga dadka deegaankaaga ama 100% celceliska dakhliga dadka Mareykanka, hadba kii badan. Eeg xadka dakhliga barnaamijka ee heerka degmada iyo tirada qoyska.
- Waa in aad buuxiso shuruudaha Xaqu-yeelashada Dhibaatada Dhaqaale ee 21kii Jannaayo, 2020 iyo wixii ka dambeeyey.
- Waa in ay irto lacag lagugu leeyahay oo ah rahmaad ama amaahda guriga oo la soo dhaafay iyo/ama kharash kale oo la xiriira guriga.
- Baaqiga kaaga harsan deynta asalka ahayd waa in aysan dhaafin xadka amaahda ee degmadaada ee wakhtiga deyntaadu ay soo bilaabatay.
Waa maxay Xaqu-yeelashada Dhibaatada Dhaqaale (Dhibaatada uu Sababay COVID-19)?
Xaqu-yeelashada Dhibaatada Dhaqaale waxaa loo qeexaa in ay tahay:
- Dakhliga oo Yaraaday: Waayidda dakhliga shaqo oo ah meelgaar ama joogto intii ka dambeysay 21kii Jannaayo, 2020, oo si toos ah ula xiriirtay xanuunkii faafayey ee karoonaha; ama
- Koror ah Kharashaadka Nolosha: Kordhidda kharashka qoyska ku baxaayey intii ka dambeysay 21kii Jannaayo, 2020, sida kharashka caafimaadka ama koror ah tirada qoyska, oo ah wax si toos ah ula xiriira xanuunkii faafayey ee karoonaha.
Guryo noocyadee ah ayaa xaq u leh?
Waa in aad leedahay guriga oo waa in uu kuu yahay deegaankaaga koowaad, 1 ilaa 4 qol, oo ku yaalla Minnesota. Noocyada guryaha xaqa u leh waxaa ka mid ah guryaha halka qoys ah, guryaha isku-dheggan, dhismeyaasha is-kaashatada, guryaha dabaqyada, iskaashatooyinka, iyo guryaha la jiito ama la soo warshadeeyey. Haddii aad leedahay guryo ka badan hal guri, waxa keliya ee aad soo codsan karto waa guriga aad ku nooshahay.
Guryaha aan u xaqa u lahayn waxa ka mid ah, balse aysan ku ekeyn waa kuwan soo socda:
- Lahaanshaha ganacsiga (LLP, LP, LLC, iwm.)
- Kirada-ku-iibso
- Nooc kasta oo kale oo aan lahaansho ahayn sida ku cad waraaqaha milkiilaha guriga ee ah qofka soo codsanaya kaalmada.
Ma khasab baa in lacag la igu yeesho si aan xaq ugu yeesho kaalmada dhaqaalaha?
Barnaamijku waxa keliya ee uu bixin doono waa kaalmo dhaqaale oo ah rahmaad ama amaahda la soo dhaafay iyo kharashka la xiriira guriga.
Waxaan ku noolahay dhul Qabiileed oo Kiro ah. Ma soo codsan kartaa kaalmo?
Dadka ku nool dhul ay Guddi Qabiileed Kireeyaan waxay xaq u leeyihiin in ay soo codsadaan HomeHelpMN.
Ma khasab baa in uu igu dhacay COVID-19 si aan xaq ugu yeesho?
Maya. Inkastoo ay jirradu keento dhibaato dhaqaale oo xaq loogu yeesho wax gaar ah, haddana khasab ma aha in uu adiga ama qoyskaaga idinku dhacay COVID-19 si aad xaq ugu yeelataan.
Ma heli karaa caawimaad ah kharashyada la xiriira guriga haddii aan la igu lahayn rahmaad ama amaahda guriga?
Kharashaadka kale ee la xiriira guriga ee horay laguugu lahaa, sida cashuurta guriga, ceymiska milkiilaha, kirada guryaha la soo warshadeeyey iyo khidmadda ururka milkiilaha guriga, waa waxyaabaha xaqa loogu yeelan karo in lagu helo kaalmo dhaqaale marka guriga la leeyahay, iyada oo aan loo eegeyn haddii uu jirto ama aysan jirin rahmaad.
Maxaa dhacaya haddii aan amaahdayda geliyey barnaamij dib u dhigis ah? Wali miyaan xaq u leeyahay?
Haddii aad martay howsha wax ka beddelka amaahda oo aad ku dartay baaqiga deyntaada baaqi dib loo dhigay, oo dayntaada hadda loo arko mid aadan la dib dhacsanayn, xaq uma yeelan doontid.
Marka hore ma in aan codsadaa barnaamijka dib u dhigista deynta ama xalal kale kahor inta aanan codsan HomeHelpMN?
HomeHelpMN ugama baahna mulkiilayaasha guryaha inay raadsadaan fursado kale kahor intaysan codsan kaalmada HomeHelpMN. Si kastaba ha ahaatee, waxaanu si adag kuugu dhiirigelinaynaa inaad sahamiso oo aad tixgeliso dhammaan fursadaha kuu bannaan, oo ay ku jiraan dib u maalgelinta iyo wax ka beddelka deynta. Kala xiriir adeegahaaga amaahda guryaha wixii fursado ah. Lataliyaha guriyaynta ayaa kaa caawin kara inaad is barbar dhigto xalalka.
Codsiga kaalmada
Sidee baan u soo codsadaa?
Buuxi codsiga intarnetka ee HomeHelpMN.org ama soo garaac Xarunta Taleefanka 1-800-388-3226.
Waxa kale oo aad la soo degi kartaa oo aad ka daabacan kartaa codsiga oo waraaq ah ama soo garaac Xarunta Taleefanka si aad uga codsato in boostada laguugu soo diro.
Sida ugu dhakhsaha badan ee codsiga loo buuxiyo waa in lagu soo codsado oo lagu soo gudbiyo intarnetka. Dadka ku soo codsada taleefanka waxaa guriga ama boostada intarnetka loogu soo diri doonaa bogga saxiixa.
Miyey jiraan kharash lagu soo codsanayo HomeHelpMN?
Maya. Ma jiraan wax kharash ah oo ku baxaya milkiile kasta oo guri leh oo soo codsan doona HomeHelpMN.
Si aan u codsado ma khasab baa in aan haysto Sagaalka Lambarka ee shakhsiga ah?
Waxaa codsade kasta oo guriga ku nool laga rabaa Sagaalka Lambarka (SSN) ama lambarka aqoonsiga cashuurbixiyaha (ITIN).
Haddii aadan haysan SSN ama ITIN, macluumaad kale ayaa lagu weydiin karaa.
Xarunta Taleefanka kala soo xiriir caawimaad si aad u buuxsato codsigaaga 1-800-388-3226.
Af Ingiriisku ma aha afkeyga hooyo, oo waxaa xadidan aqoonta aan u leeyahay afka Ingiriiska. Halkee baan ka heli karaa kaalmo dheeraad ah?
Codsiga waxaa lagu heli karaa luuqadaha Ingiriiska, Isbaanishka, Moong iyo Soomaali.
Xarunta Taleefanka ee 1-800-388-3226 waxay bixisaa tarjumaad Isbaanish, Hmong, Soomaali, iyo luqado kale oo badan.
Xarunta Wicitaanku waxay furan tahay Isniin ilaa Jimcaha, duhurkii – 4:30 galabnimo CST.
Waa maxay waraaqaha aan u baahnahay si aan u soo codsado HomeHelpMN?
Codsade kasta waxaa laga yaabaa in looga baahdo waraaqaha soo socda:
- Caddeynta Milkiyadda Guriga
- Kaar aqoonsi
- Xaqiijinta dakhliga
- Caddeynta Kaalmada Loo Baahan Yahay
Ilaa intee ayaad aqbalaysaan arjiyada? Tani ma wakhtiga kama dambaysta ah baa?
Barnaamijku wuxuu qaadan doonaa arjiyada inta lacag la hayo. Arjiiyada waxaa la howlgelin doonaa isla marka la soo gudbiyo, waxaana mulkiilayaasha guryaha lagu dhiirigelinayaa inay durba soo diraan arjiyadooda. Haddii dhammaan lacagaha la hayo la isticmaalo, codsadayaasha qaarkood waxaa laga yaabaa in la geliyo liiska sugitaanka. Arjiga oo la soo gudbiyay ma dammaanad qaadayso in la heli karo maalgelinta.
Maxaa dhacaya haddii aanan haysan dhammaan dukumeentiyada uu arjigu iga codsanayo?
Waad soo diri kartaa arjiga oo ayna la soconin dhammaan caddaymaha taageerada haddii aad soo buuxiso su’aalaha loo baahanyahay. Xubin ka mid ah kooxda howlgelinaysa ayaa kula soo xiriirii doona si ay kaaga codsadaan waxyaabaha loo baahanyahay si looga shaqeeyo arjigaaga. Haddii ay waxyaabo ka maqanyihiin, arjigaagu wuxuu qaadan karaa wakhti dheer in laga shaqeeyo.
Haddii inta aan buuxinayo codsiga aan helo jawaab ah inaanan xaq u lahayn, weli ma soo codsan karaa?
Haddii ay macluumaadkaagu kaa khaldameen, dib ayaad u soo bilaabi kartaa su’aalaha xaqu-yeelashada oo macluumaadka waa in aad ugu qorto si sax ah oo aad xaq ugu yeelan karto.
Haddii ay natiijadu noqoto in aadan xaq u lahayn ka dib markaad mar labaad qorto macluumaadkaaga oo sax ah, xaq uma lihid in aad buuxsato codsiga oo dhan oo waa in aad la xiriirtaa la-taliyaha guriyeynta ee ay HUD aqoonsan tahay si aad ugala hadasho siyaabo kale oo aad caawimaad ku heli karto.
Waxaad la-taliyaha guriyeynta ee ay HUD aqoonsan tahay ka heli kartaa markaad soo garaacdo Xarunta Milkiileyaasha Guryaha ee Minnesota 651-659-9336 ama 1-866-462-6466 ama adigoo booqanaya bartooda.
Yaan kala soo xiriiri karaa haddii aan su'aalo qabo ama aan u baahdo caawimaad ah codsiga?
Waxaad kala xiriiri kartaa Xarunta Taleefanka 651-204-1608 ama 1-800-388-3226 si aad u hesho caawimaad.
Xarunta Taleefanka waxaa laga helaa tarjumaad ah luuqadaha Isbaanishka, Moong, Soomaali, iyo luuqado kale oo badan. Xarunta Wicitaanku waxay furan tahay Isniin ilaa Jimcaha, duhurkii – 4:30 galabnimo CST.
Ma u oggolaan karaa saaxiib ama xubin qoyska ka mid ah in ay barnaamijka ula soo xiriiraan arrin ku saabsan codsigeyga?
Haa. Markaad soo buuxineyso codsigaaga, waxaad ku soo darsan kartaa magaca qof loo oggolaaday in uu kuula soo hadlo barnaamijka isagoo ku hadlaya magacaaga.
Haddii aanan haysan aalad ah sawire, ma isticmaali karaa teleefankeyga si aan sawir uga qaado aqoonsigeyga ama waraaqaha kale ee aan codsigeyga soo raacinayo?
Haa, waraaqaha lagu soo sawiro kaamarad kasta waxay u dhigmaan kuwa lagu sawiro aalad ah sawire. Iska hubso in ay sawirradaadu leeyihiin iftiin wanaagsan oo lagu arki karo. Waxa kale oo aad isticmaali kartaa ab ah sawirka, sida Adobe Scan, si aad waraaqaha si fiican ugu sawirato.
Fakis ugu dir 1-612-435-4863 . Hubi inaad ku soo darto ciwaanka gurigaaga iyo aqoonsiga kiiskaaga dhammaan dukumeentiyada.
Sidee baan ku ogaan karaa xaalka codsigeyga?
Sida aad xaalka codsigaaga ku arki karto waa adiga oo gala koontadaada ama la xiriira Xarunta Taleefanka ee 1-800-388-3226.
Waa maxay macnaha xaalka codsigeyga?
Waxa la marayaa dhowr marxaladood marka codsigaaga laga shaqeynayo. Waxyaabaha hoose waa kuwa ugu badan:
- Codsigu wuu Socdaa: Waxaad bilowday codsi in aad buuxiso, laakiin weli ma aadan gudbin.
- Codsigii waa la Gudbiyey: Waxaad buuxisay meelihii lagaa rabay oo dhan oo codsiga ayaa la soo eegaya. Waxaa laga yaabaa in loo baahdo macluumaad dheeraad ah si loo qiimeeyo xaqu-yeelashadaada.
- Waa Laga Shaqeynayaa: Shaqaale ayaa ku hawlan codsigaaga. Waxaa hawsha ka mid ah xaqiijinta waraaqaha, la-xiriiridda xafiiska rahmaadda ama meelo kale, qiimeynta xaqu-yeelasha, xaqiijinta caddadka lacagbixinta, ama tallaabooyinka qiimeynta ah ee kale.
- Sugidda Jawaabta Codsadaha: Macluumaad dheeraad ah ama waraaqo ayaa lagaaga baahan karaa si loo sii wado qiimeynta codsiga.
- Sugidda Meelaha Saddexaad: waxaa jawaab laga sugayaa xafiiska rahmaadda ama meelaha kale oo deynta kugu leh. Xaaladdani wakhti dheer ayey soo muuqan kartaa haddii ay jiraan dhowr wareeg oo xiriiro soo noqnoqda ah oo lala yeesho kooxda dhinac saddexaad, ama haddii ay jiraan dhinacyo badan oo lacag la siinayo oo lala xiriirayo.
- Liiska Sugidda: Waa xaaladda uu ku sugnaan doono codsi kasta oo la soo gudbiyo ka dib marka la furo liiska sugitaanka. Codsigaaga marka la eegayo waa laguu soo sheegi doonaa.
Waxaan ka walaacsanahay khiyaamo imaan karta. Maxaan sameeyaa?
Haddii aad ka walaacsan tahay khiyaamo imaan karta, in si xun loo isticmaalo lacagaha, ama waxyaabo kale oo la xiriira barnaamijka HomeHelpMN:
- Waa in aad soo garaacdo 866-886-1274
- Ama booqo barta intarnetka ee Report Wrongdoing or Concerns si aad wax ugu soo sheegto.
Waa maxay la-talinta milkiilaha/la-talinta guriyeynta?
La-talinta guryuhu waa adeeg bilaash ah oo ay bixiyaan xirfadleyaal tababaran oo shahaado ku haysta hawshaas oo milkiilayaasha ku caawiya in ay guryaha ugu qiimeyn kara fursado ah lahaansho.
Hawshaas waxaa ka mid ah in la isu sharxo habka la iskala wareegi karo guriga iyo wakhtiyada fursadaha looga hortegi karo. La-taliyeyaasha guryaha waxay sidoo kale ku caawinayaan milkiileyaasha guryaha si ay ula xiriiraan xafiisyada amaahda guryaha si loo yareeyo khasaaraha.
La-talinta guryuhu ma aha shuruud ay tahay in lagu soo codsado HomeHelpMN, laakiin waxaa laga yaabaa in ay milkiileyaashu ka helaan taageero iyo macluumaad dheeraad ah.
Waxaad la-taliyaha guriyeynta ee ay HUD aqoonsan tahay ka heli kartaa markaad soo garaacdo Xarunta Milkiileyaasha Guryaha ee Minnesota 651-659-9336 ama 1-866-462-6466 ama adigoo booqanaya bartooda.
Waa maxay yareynta khasaaraha?
Yareynta khasaaraha waxa loola jeedaa waxyaabo ay xafiisyadu sameeyaan si ay deynqaataha rahmaadda ugala shaqeeyaan sida aad uga fogaado in guriga lagaala wareego. Fursadaha yareynta khasaaraha qaarkood waxa ay kugu caawin karaan in aad gurigaaga haysato. Fursado kale ayaa kugu caawin kara in aad ka baxdo guriga adiga oo aan soo marin dhibka lagala kulmo la-wareegista. Wixii macluumaad dheeraad ka eego Barta intarnetka ee ee Xafiiska Difaaca Dhaqaalaha Macaamiisha.
Haddii aan soo codsado HomeHelpMN oo la ii oggolaado kaalmada dhaqaale, ma khasab bay igu tahay in aan aqbalo?
Waxaan kugu dhiirigelineynaa in aad qiimeyso fursadaha aad heli karto oo dhan. Qaar ka mid ah milkiilayaasha guryaha, yarenta khasaaraha ee xafiiska rahmaadda ayey ka heli karaan xal wakhti dheer ah oo u fiican iyada oo laga yareynayo lacagtii laga raba ee rahmaadda ee bisha iyo/ama baaqiga harsan ee deynta.
Haddii aan aqbalo kaalmada dhaqaale ee HomeHelpMN si aan ugu sii wato rahmaadda hadda, weli xafiiska ma ka codsan karaa yareynta khasaaraha?
Guud ahaan, marka deynta dib loo soo celinayo (ama aad hadda la qabsaneyso), markaas xaq uma heli kartid yareynta khasaaraha. Si kasta oo ay ahaato, waa in aad si toos ah ula xiriirto xafiiska rahmaadda si aad ugala hadasho duruufahaaga iyo fursadaha laguu heli karo iyadoo lagu saleynayo shuruudaha iyo habraaca gaarka ah ee deyntaada.
Ka warran haddii baaqiga ii horay uu ka badan yahay $50,000?
Haddii aad u baahan tahay wax ka badan $50,000 si aad ula qabsato bixinta deyntaada hadda, adiga ayey ku jirtaa sida aad ku soo heleyso lacagtaas dheeraadka ah. Waxa laga yaabaa in aad caawimaad dheeraad ah ka hesho maamullada magaalada, degmada, ama barnaamij Qabiileed.
Lambarrada boostada xaafadda (zip codes) qaarkood lagama rabo in ay keenaan waraaqaha dakhligooda. Sidee baa dadka lagu kala xushaa, wax sabab ah?
Milkiileyaasha guryaha ee kaalmada soo codsanaya waa in ay soo caddeeyaan in dakhligoodu yahay sida ku qoran habraaca barnaamijka.
Minnesota Housing waxay isticmaali doontaa xogta tirakoobka ee Xafiiska Tirakoobka Mareykanka si ay ugu hubiso milkiileyaasha guryaha iyo lambarkooda boostada xaafadda (zip code) in uu dakhligoodu ka hooseeyo xadka barnaamijka.
Isticmaalidda wakiil dakhli ayaa u oggolaanaya barnaamijka in uu si hufan uga shaqeeyo codsiyada iyo codsadeyaasha shaqadoodu yar tahay.
Noocan ah wakiilka xaqiijinta dakhliga waa wax loo oggolyahay barnaamijka marka la eego habraaca federaalka.
Maxaan sameeyaa haddii aan ogaysiiska guri la wareegida ama iibinta aan ka helo sheriff-ka?
Haddii aadan weli codsan HomeHelpMN, waxaad macluumaadkan ku dari doontaa Qaybta F marka aad buuxiso arjigaaga. Soo geli dukumeentiyada laxiriira la wareegida guriga meesha lagu codsado.
Haddii aad horay u codsatay HomeHelpMN oo aad heshid xiriir ku saabsan la wareegida guriga inta arjigaaga laga shaqaynayo, ka soo wac Xarunta Wicitaanka 800.388.3226. U sheeg wakiilka isbeddelka oo codso in arjigaaga dib loo furo si aad u soo geliso dukumeentiga cusub.
Maxaa dhacaya haddii la igu yeesho kharash dheeraad inta arjigayga laga shaqaynayo?
Kooxdeena howlgelinta ayaa waxay sixi doonaan cadadka kaalmada la oggolaaday si loogu xisaabiyo deyn kasta oo dheeraad ah oo soo bixi karta inta arjigaagu uu shaqaynayo. Kooxdayadu waxay la xiriiri doontaa dhinacyada saddexaad ee deynta leh si loo hubiyo in caddadka kaalmada la bixiyay ay kharashyadaada daboolayso.
Arjigaygii waa la diiday ama waa laga noqday. Ma awoodaa in aan racfaan ka qaato go'aanka?
Haddii aad aaminsantahay in aad u qalanto, waxaad awoodaa in aad racfaan ka qaadato go’aanka diidmada. Warqada diidmada waxaa la socda ood ku heli doontaa tilmaamahan ku saabsan habka racfaanka. Rafcaanku waa in uu ahaadaa qoraal oo la helo 14 maalmood gudahooda go’aanka diidmada kadib. Haddii arjigaagii laga noqday oo aan la diidin, racfaan qaadashada ka sokow dib ayaad u codsan kartaa.