Su'aalo?

Su’aalo? Soo gal HomeHelpMN Live Chat adigoo gujinaya astaanta wada sheekaysiga ciidamada badda ee ku yaal geeska hoose ee gacanta midig ee bogga.

Ama wac 1-800-388-3226 si aad u hesho kaalmo dheeraad ah. HomeHelpMN Chat Live iyo Xarunta Wicitaanku waxay diyaar yihiin Isniinta ilaa Sabtida, 8 subaxnimo – 6 galabnimo CST.

Kaalmada la heli karo

Sidee bay HomeHelpMN ii caawin kartaa?

Haddii aad leedahay gurii aad ku nooshahay, oo aad la kulantay dhibaato dhaqaale oo uu sabab u yahay xanuunkii faafayey ee COVID-19, oo lagugu leedahay kharashaad hore, waxa laga yaabaa in aad xaq u yeelato kaalmo dhaqaale si aad uga qaanbaaxdo lacagaha lagugu leeyahay.

Waa maxay kaalmada nooca la heli karo?

HomeHelpMN waxay milkiileyaasha guryaha u haysaa adeegyada soo socda:

  • Kaalmo dhaqaale oo aad isaga bixiso rahmaadda lacago hore iyo kharashaadka guriga ee aad xaq u yeelan karto
  • Macluumaadyo ah helitaanka adeegyo lagu qiimeyn doono wixii xal ah oo looga baaqan karo in guriga lala wareego:
    • Adeegyo sharciyeed oo lagu helayo Tala-bixin ay Guriyeynta HUD Aqoonsan Tahay
    • Adeegyada sharciga

Waa maxay kharashkii hore ee xaqa loo yeelanayo in la bixiyo?

Kaalmada dhaqaalaha waxaa loo isticmaali karaa kharashkii hore ee guryha ee xaqa loogu yeelan karo, sida:

  • Rahmaadda iyo/ama lacagta sabrloogada Milkiyadda Guriga
  • Canshuurta Guryaha
  • Bixinta lacagaha ururka mulkiileyaasha guryaha, iyo lacagaha Iskaashatada ama kharashka guud
  • Bixinta rahmaadda guri la soo warshadeeyay iyo mid la jiito iyo/ama kirada dhulka bannaan
  • Kirada/Ijaarka Dhulka iyo Lacagaha Kireysashada Dhulka ee Qabiilka

Ceymiska milkiilaha guriga oo ay ku jiraan khatarta, daadadka, dabeylaha iyo/ama bixinta ceymiska rahmaadda

Miyey xadeysan tahay caddadka kaalmada dhaqaale ee ay milkiileyaasha guryaha heli karaan?

Caddadka ugu badan ee kaalmada dhaqaale ee ay bixiso HomeHelpMN waa $35,000 halkii qoys.

Ma soo codsan karaa kaalmo dhaqaale si aan isaga bixiyo kharashaad soo socda?

Maya. Kaalmada dhaqaale waxa keliya ee loo isticmaali karo waa in lagu bixiyo rahmaadda ama amaahda guriga ee wakhtigeedii la soo dhaafay iyo kharashka la xiriira guryaha ee xaqa loogu yeesha.

Ma la iga rabaa in aan soo bixiyo kaalmada dhaqaale?

Maya. Kaalmada dhaqaale ma aha mid ay dadku soo celinayaan.

Kaalmada dhaqaale ma waxaa la siinayaa milkiilaha guriga?

Maya. Kaalmada dhaqaale waxaa si toos ah loo siinayaa sabarloogada iyo/ama in la siiyo meelo lacag kaa sugayo. Shirkadaha lacagta kugu leh waa in ay aqbalaan lacagta.

Miyaa la cashuurayaa kaalmada dhaqaale?

HomeHelpMN kaalmada dhaqaale ee ay bixiso waxa ay IRS (sida waafaqsan 26 USC § 139) u tixgelineysaa lacagaha gargaarka masiibada, oo waa wax laga saarayo dakhliga guud ee milkiileyaasha guriga. Hase ahaatee, lacagtan oo kale waxay yeelan kartaa hab kale oo loo canshuurayo. Fadlan talo u raadso xirfadle canshuurta xareeya oo akhriso IRS Rev. Pro. 2021-47. 2021-47.

Miyaa kaalmada kharashka korontada laga heli karaa HomeHelpMN?

Maya, HomeHelpMN ma bixiso kharashka korontada. Hase ahaatee, waxaa laga yaabaa in aad u xaq u yeelato Barnaamijka Caawimaadda Korontada. Booqo Waaxda Ganacsiga ee Minnesota ama soo garaac 1-800-657-3710 si aad faahfaahin uga hesho kaalmada korontada iyo si aad u codsato.

Xaqu-yeelashada barnaamijka

Yaa xaq u leh?

Si aad xaq ugu yeelato kaalmada dhaqaale, waa in aad:

  • Leedahay oo aad ku dhex nooshahay guri kuugu yaalla Minnesota.
  • Waa in uu dakhligaagu la mid yahay ama ka yar yahay 100% celceliska dakhliga dadka deegaankaaga ama 100% celceliska dakhliga dadka Mareykanka, hadba kii badan. Eeg xadka dakhliga barnaamijka ee heerka degmada iyo tirada qoyska.
  • Waa in aad buuxiso shuruudaha Xaqu-yeelashada Dhibaatada Dhaqaale ee 21kii Jannaayo, 2020 iyo wixii ka dambeeyey.
  • Waa in ay irto lacag lagugu leeyahay oo ah rahmaad ama amaahda guriga oo la soo dhaafay iyo/ama kharash kale oo la xiriira guriga, oo lagugu lahaa ilaa ama wixii ka dambyeeyey 21kii Jannaayo, 2020.

Waa maxay Xaqu-yeelashada Dhibaatada Dhaqaale (Dhibaatada uu Sababay COVID-19)?

Xaqu-yeelashada Dhibaatada Dhaqaale waxaa loo qeexaa in ay tahay:

  • Dakhliga oo Yaraaday: Waayidda dakhliga shaqo oo ah meelgaar ama joogto intii ka dambeysay 21kii Jannaayo, 2020, oo si toos ah ula xiriirtay xanuunkii faafayey ee karoonaha; ama
  • Koror ah Kharashaadka Nolosha: Kordhidda kharashka qoyska ku baxaayey intii ka dambeysay 21kii Jannaayo, 2020, sida kharashka caafimaadka ama koror ah tirada qoyska, oo ah wax si toos ah ula xiriira xanuunkii faafayey ee karoonaha.

Guryo noocyadee ah ayaa xaq u leh?

Waa in aad leedahay guriga oo waa in uu kuu yahay deegaankaaga koowaad, 1 ilaa 4 qol, oo ku yaalla Minnesota. Noocyada guryaha xaqa u leh waxaa ka mid ah guryaha halka qoys ah, guryaha isku-dheggan, dhismeyaasha is-kaashatada, guryaha dabaqyada, iskaashatooyinka, iyo guryaha la jiito ama la soo warshadeeyey. Haddii aad leedahay guryo ka badan hal guri, waxa keliya ee aad soo codsan karto waa guriga aad ku nooshahay.

Guryaha aan u xaqa u lahayn waxa ka mid ah, balse aysan ku ekeyn waa kuwan soo socda:

  • Lahaanshaha ganacsiga (LLP, LP, LLC, iwm.)
  • Kirada-ku-iibso
  • Nooc kasta oo kale oo aan lahaansho ahayn sida ku cad waraaqaha milkiilaha guriga ee ah qofka soo codsanaya kaalmada.

Ma khasab baa in lacag la igu yeesho si aan xaq ugu yeesho kaalmada dhaqaalaha?

Barnaamijku waxa keliya ee uu bixin doono waa kaalmo dhaqaale oo ah rahmaad ama amaahda la soo dhaafay iyo kharashka la xiriira guriga ee la galay 21kii Jannaayo ama wixii ka dambeeyey, 2020.

Waxaan ku noolahay dhul Qabiileed oo Kiro ah. Ma soo codsan kartaa kaalmo?

Dadka ku nool dhul ay Guddi Qabiileed Kireeyaan waxay xaq u leeyihiin in ay soo codsadaan HomeHelpMN.

Ma khasab baa in uu igu dhacay COVID-19 si aan xaq ugu yeesho?

Maya. Inkastoo ay jirradu keento dhibaato dhaqaale oo xaq loogu yeesho wax gaar ah, haddana khasab ma aha in uu adiga ama qoyskaaga idinku dhacay COVID-19 si aad xaq ugu yeelataan.

Ma heli karaa caawimaad ah kharashyada la xiriira guriga haddii aan la igu lahayn rahmaad ama amaahda guriga?

Kharashaadka kale ee la xiriira guriga ee horay laguugu lahaa, sida cashuurta guriga, ceymiska milkiilaha, kirada guryaha la soo warshadeeyey iyo khidmadda ururka milkiilaha guriga, waa waxyaabaha xaqa loogu yeelan karo in lagu helo kaalmo dhaqaale marka guriga la leeyahay, iyada oo aan loo eegeyn haddii uu jirto ama aysan jirin rahmaad.

Codsiga kaalmada

Sidee baan u soo codsadaa?

Marka HomeHelpMN la furo waxaad ka soo dalban kartaa HomeHelpMN.org ama Xarunta Taleefanka 1-800-388-3226

Waxaan kugu dhiirrigelineynaa in aad isku diiwaangeliso warside ama eNews ay soo saarto HomeHelpMN si aad u hesho macluumaadka dheeraadka ah ee ku saabsan barnaamijka iyo wakhtiyada jadwalka.

Miyey jiraan kharash lagu soo codsanayo HomeHelpMN?

Maya. Ma jiraan wax kharash ah oo ku baxaya milkiile kasta oo guri leh oo soo codsan doona HomeHelpMN.

Si aan u codsado ma khasab baa in aan haysto Sagaalka Lambarka ee shakhsiga ah?

Waxaa codsade kasta oo guriga ku nool laga rabaa Sagaalka Lambarka (SSN) ama lambarka aqoonsiga cashuurbixiyaha (ITIN). Haddii aadan haysan SSN ama ITIN, macluumaad kale ayaa lagu weydiin karaa. Waxaad awoodi doontaa inaad la xiriirto Xarunta Wicitaanka si aad taageero ugu hesho buuxinta codsiga 1-800-388-3226.

Af Ingiriisku ma aha afkeyga hooyo, oo waxaa xadidan aqoonta aan u leeyahay afka Ingiriiska. Halkee baan ka heli karaa kaalmo dheeraad ah?

Codsiga waxaa lagu heli doonaa afafka Ingiriiska, Isbaanishka, Moong iyo Soomaali.

Xarunta Taleefanka ee 1-800-388-3226 waxay bixisaa tarjumaad Isbaanish, Hmong, Soomaali, iyo luqado kale oo badan. Xarunta Wicitaanku waxay furan tahay Isniin ilaa Sabtida, 8 subaxnimo – 6 galabnimo CST.

Waa maxay waraaqaha aan u baahnahay si aan u soo codsado HomeHelpMN?

Codsade kasta waxaa laga yaabaa in looga baahdo waraaqaha soo socda:

  • Caddeynta Milkiyadda Guriga
  • Kaar aqoonsi
  • Xaqiijinta dakhliga
  • Caddeynta Kaalmada Loo Baahan Yahay


Halkan kala soo deg liiska wayaabaha lagaa raba.

Ilaa intee ayaad aqbalaysaan arjiyada? Tani ma wakhtiga kama dambaysta ah baa?

Barnaamijku wuxuu qaban doonaa arjiyada inta lagu jiro Maajo 17 ilaa June 17 saacada 5 pm CST. Arjiyada waxaa la howlgelinayaa hadba marka la soo gudbiyo. Haddii ay dhacdo in baahida lacageed ay badantahay, waxaa laga yaabaa in lacagta si buuxda loo qoondeeyo kahor inta aan la gaarin taariikhda arjigu xirmayo. Milkiilayaasha guryaha waxaa lagu dhiirigelinayaa inay soo gudbiyaan arjiyadooda horraanta muddada codsiga. Arjiga oo la soo gudbiyay ma dammaanad qaadayso in la heli karo maalgelinta.

Maxaa dhacaya haddii aanan haysan dhammaan dukumeentiyada uu arjigu iga codsanayo?

Waad soo diri kartaa arjiga oo ayna la soconin dhammaan caddaymaha taageerada haddii aad soo buuxiso su’aalaha loo baahanyahay. Xubin ka mid ah kooxda howlgelinaysa ayaa kula soo xiriirii doona si ay kaaga codsadaan waxyaabaha loo baahanyahay si looga shaqeeyo arjigaaga. Haddii ay waxyaabo ka maqanyihiin, arjigaagu wuxuu qaadan karaa wakhti dheer in laga shaqeeyo.