Waraaqaha la iska rabo
Si aad ugu diyaarsato codsigaaga, waxaad u baahan tahay waraaqaha iyo macluumaadka soo socda.
Si aad u soo gudbiso codsigaaga, waxaa lagaa rabaa waraaqaha iyo macluumaadka soo socda.
Maxaa dhacaya haddii aanan haysan dhammaan dukumeentiyada uu arjigu iga codsanayo? Waad soo diri kartaa arjiga oo ayna la soconin dhammaan caddaymaha taageerada haddii aad soo buuxiso su’aalaha loo baahanyahay. Xubin ka mid ah kooxda howlgelinaysa ayaa kula soo xiriirii doona si ay kaaga codsadaan waxyaabaha loo baahanyahay si looga shaqeeyo arjigaaga. Haddii ay waxyaabo ka maqanyihiin, arjigaagu wuxuu qaadan karaa wakhti dheer in laga shaqeeyo.
Caddeynta milkiyadda
Fadlan soo gudbi mid ka mid ah waxyaabaha soo socda:
- Waraaqaha canshuurta guriga (oo la doorbidayo)
- Sabarloogada lagu siin doono dammaanaddeeda
- Heshiiska sabarloogada
- Waraaqaha rahmaadda
- Kireysiga lahaanshada iskaashato (hadday ku khuseyso)
- Shahaadada lahaanshaha (guryaha la soo warshadeeyey)
Aqoonsi sawir ah
Codsade kasta waa in uu haysto kaar aqoonsi sawir leh oo ah mid goboleed, mid federaal, mid Qabiileed ama aqoonsi kale oo sawir leh
Caddeynta dakhliga
Waraaqihii dakhliga ee ugu dambeeyay oo dhan dakhliga meel kasta ee xubnaha qoyska ee ku jira codsiga. Waxaa jira dhowr siyaabood oo aad ku soo caddeyn karto dakhligaaga. Qoys kasta waa in ay soo buuxiyaan hal codsi oo keliya:
Shuruudda 1aad:
- Dakhligaaga guud oo dhan, sida kuugu qoran Foomka 2021 ee Canshuurta-celiska Dakhliga Federaalka ee 1040
Ama shuruudda 2aad: Dakhligaaga hadda, oo uu ka muuqdo macluumaadkii ugu dambeeyay ee mushaarka.
- Caddeymaha lacagbixinta
- Waraaqaha
- Wixii kale oo ah waraaqo aad xaq ugu yeelatay barnaamij ah kaalmo dawladeed (sida Gunnada Hawlgabka)
- Waraaqaha xisaabxirka bangiga ee bil kasta oo ay ka muuqato lacag-dhigasho
- Waraaqaha kale ee ah lacagbixinta
Haddii aan dakhli ku soo gelin:
- Soo saxiix Xaqiijinta Dakhli-la’aanta ee dadka qaangaarka ah oo dhan ee aan wax dakhli ah soo gelin AMA
- Waxa ay ku xiran tahay lambarka boostada deegaanka (zip code), oo waxa lagaaga baahan karaa caddeymo dheeraad ah.
Caddeynta kaalmada guryaha
Waa in aad soo gudbiso koobbiga waraaqaha xisaabxirka ah ee bangiga ee ugu dambeeyey oo ah koontooyinka aad codsaneyso in lagaa bixiyo lacagtooda.
- Bixinta rahmaadda: Waa in la keento lacagtii rahmaadda ee kuugu dambeysay.
- Lacagta laga bixiyo guriga la jiido/la soo warshadeeyey: Waa in la keeno caddeynta amaahda ee ugu dambeysay.
- Kirada guryaha la jiido/la soo warshadeeyey: Waa in la keeno ogeysiiska lacagihii la soo dhaafay.
- Khidmadaha/kharashaadka iskaashatada, ururka guryaha ama milkiileyaasha guryaha: Waa in la keeno caddeymihii ugu dambeeyey ee iskaashatada ama ururka guryaha.
- Canshuurta guryaha: Waa in la keeno caddeyntii ugu dambeysay ee degmada ama dowladda hoose.
- Ceymiska guriga milkiilaha: Waa in shirkadda ceymiska laga keeno caddeyntii ugu dambeysay ee lacagta ceymiska guriga.
- Heshiiska Sabarloogada guriga: Waa in la keeno caddeyntii ugu dambeysay IYO koobbiga waraaqaha Heshiiska sabarloogada guriga.
DOKUMENTIYO DHEERAAD AH
Fadlan soo daabaco, ku saxiix khad, ka dibna ku soo celi mid ka mid ah hababka soo socda:
- Soo gebi websaydka: iskaangaree ama sawir ka qaad dukumeentiga oo soo geli akoonkaaga
- Fakis ugu dir 1-612-435-4863
- Boostada ugu soo dir HomeHelpMN, PO Box 2408, Minneapolis, MN 55402
Waa loo baahan yahay:
Haddii loo baahdo:
- Cadaynta Dakhli La’aanta (English) (Spanish) (Hmong) (Somali)
- Tusaalaha Warqada Dhaqaale Burburka (Bankruptcy) (English)
Macluumaadka ku saabsan racfaan ka qaadashada go’aanka arjiga: